Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanada NISA oo la wareegay Shan Guri oo kuyaalla Muqdisho iyo Digniin Shacabka loo diray

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo howlgalo ka sameeyay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa kusoo qabqabtay xubno katirsan Al Shabaab, hub iyo agabyo kale ay adeegsanayeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in ciidamada NISA la wareegeen ilaa shan guri oo kuyaalla qeybo kamid ah Muqdisho oo qaarkood Al Shabaab ka dhigteen isbitaallo.

Madaale ayaa sheegay in guryaha hubka iyo xubnaha katirsan Al Shabaab lagu qabtay ay la wareegeen ciidanka ayna gacantooda ku jiraan, waxa uuna digniin u diray dadka guryaha iska leh ee ka kireenaya dadka aysan aqoon ee qaraxyada iyo dilalka ku diyaariya.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir in ciidamada gacanta ku hayaan kuna socdaan baaritaano xubnaha katirsan Al Shabaab ee laga soo qabtay xaafadaha katirsan Muqdisho, waxa uuna xusay in ciidamada bur buriyeen shabakad Al Shabaab laheyd.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale digniin adag u diray ganacsatada iyo dadka kale ee maalgaliya Al Shabaab, waxa uuna dadkaasi ugu baaqay in ay joojiyaan caawinta Al Shabaab haddii kale ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo la shaaciyay Ujeedka uu ugu tagay Sheekh Aadan Madoobe

Cabdi Cade

Gabar Soomaaliyeed oo isaga hartay Doorashada Baarlamanka Sweden kaddib markii …

Cabdi Cade

Deni oo la kulmay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha dowladda Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---