Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo loo adeegsaday gaadiid waa weyn oo goordhaw ka dhacay Magaalada Baledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ka dhaceen qaraxyo aad u xoogan oo ismiidaamin ah, qaraxyadan ayaana loo adeegsaday labo gaari oo nuuca xamuulka qaada ah.

Qaraxyadan ismiidaaminta ah ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in lagu weeraray xerada Lama galay ee magaalada Baledweyne, xeradan ayaana ah madaxtooyada Hirshabelle iyo xarun ay degan yihiin madaxda Hirshabelle.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyadan ismiidaaminta ah ee goordhaw lagu weeraray xerada Lama galay, waxaana xaalad adag ka jirta halka qaraxyada ka dhaceen.

Waxii warar ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya & Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xadka labada dal

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo weji gabax kala kulmay codsi uu u diray Madaxda Sweden

Caydiid Ali

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo loo diiday in garoonka Muqdisho ka dhoofo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---