Allbanaadir.com
NEWS

Xubno katirsan Al Shabaab oo ku dhintay qarax ay ku xirayeen Ceel Biyood

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab ku dhinteen, qarax miino ay ku xirayeen Ceel biyood kuyaalla tuulada Tara Shanta ee kutaalla inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Halgan.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee Sonna, ayaa sheegtay in xubno katirsan Al Shabaab ku dhinteen qarax miino ay doonayeen in ay ku xiraan Ceel biyood kuyaallay tuulada Tara Shanta.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramay in meydadka ragii doonayay in qaraxa ku xiraan Ceelka tuuilada Tara shanta ay halkaasi yaalleen in muddo ah, waxa ayna xuseen in ragaasi ujeedkoodu ahaa in dadka waayaan meel ay biyo ka cabaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan wali ka hadlin qaraxan la sheegay in ay ku dhinteen ragii diyaarinayay, waxaana horey Al Shabaab u qarxiyeen ceelal biyood oo kuyaallay deegaano iyo tuulooyin kuyaalla gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halis cusub oo soo wajahday saraakiisha loo xilsaaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Howlgalada socda una Mahadceliyay Labo Madaxweyne

Cabdi Cade

Aabe dilay xaaskiisa & caruur ay isku dhaleen oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---