Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah oo maanta lagu riday Askari dil bareer ah u geestay Taliyihiisa

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo lagu helay in uu ka dambeeyay dilka taliyihiisii .

Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan ayaa maxkamadda ku heshay in uu dil bareer ah u geestay taliyihii ururuka 59-aad ee gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed (Hurdaaye) , waxa uu sidoo kale dhaawacay labo qof oo kale.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan uu ka cabanayay xaquuq ka maqan, balse isaga uu ahaa nin qaban waayay waajibkiisa shaqo ee loo igmaday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan lagu riday xukun dil ah, kaddib markii ay ku cadaatay dilka taliyihiisa iyo dhaawaca labo ruux oo kale.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa marar badan xukuno kala duwan ku riday rag lagu helay in ay ka dambeeyeen dilal loo geestay shacab iyo askar, waxaana xabsiyadda dowladda ku xiran rag badan oo xukuno dil ah lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog laga helay halka lagu hayo Gabar u dhalatay Jarmalka oo bil kahor Muqdisho laga afduubtay

Cabdi Cade

Askari ku lug lahaa dil carro badan caalamka ka abuuray oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Fariin gaar ah u diray Qurba joogta Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---