Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga hadlayo Nidaamka casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga, taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doonna muddo afar maalin ah ayaa looga hadlayaa sidii loo heli lahaa diiwaangelin mideysan oo casri ah taasi oo ay ka shaqeenayaan dowladdaha hoose iyo hey’addaha tira-kobka, si loo helo tiro koob sax ah oo loogu sameeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkaan uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo Nidaam (Diiwaangelinta Madaniga) oo mid ah taasi oo ka hirgela dalka oo dhan.

Waxaa uuna sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir  in hirgelinta mashruucaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sugida Amniga iyo xuquuq helida bulshada, waxa uuna xusay in muhiim tahay in la sameeyo tira koob sax ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Sida quruxda badan ee loogu dabaaldegay Sanad guuradii 74aad ee Booliska

Caydiid Ali

Taliban oo burburisey taalo loo dhisay wadaad shiico ah oo iyaga ka horjeeday (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Sababta Abwaan Sangub loogu aasay Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---