Allbanaadir.com
NEWS

Xaafad ku taalla Qarka Buuraha oo dad badan soo jiidatay (Daawo Sawirrada)

Aad bay u cagaaran yihiin buuraha idin muuqda. Laakiin cidlo ma ahan. Dadka ku nool xaafadda Khunzakh ee ku taalla qarka buurahan waxay dhacdaa ismaamulka Degestan ee dalweynaha Ruushka.

Waana meel kamid ah deegaannada ugu cabsida badan, hayeeshe haddana ugu neecawda iyo caafimaadka badan dunida.

Buuraha aalaaba waxaa loo tagaa dalxiis iyo tamashle. Balse dadka ku nool xaafadda waxay qarniyo badan ugu yeeraan hoygooda rasmiga ah buuraha idin muuqda.

 

 

Boqol mitir kaliya ayay u jirtaa qarka haadaanta looga dhaco buurta. Sidaas oo ay tahay, dadkeedu waxay ku raaxaystaan nolol lamid ah kuwa inta kale. 140 km ayay u jirtaa caasimadda Degestan ee Makhachkala. Waxayna joogga dhulka ka sarreysaa 2,000 oo mitir.

 

Dad badan oo isla Ruushka ku nool Ayaan aqoon u lahayn jiritaankeeda. Balse xaqiiqdu waxay tahay xaafaddan waxay aad ugu eg tahay meelo dunida kamid ah oo aad loogu soo dalxiis tago.

Dhowr sawirro iyo muuqaallo ah oo uu ka qaaday Slava Stepanov oo sawirqaade ah ayaa ku baahay baraha bulshada Ruushka halkaas oo aad loola dhacay. Waxaana la ogaaday in xaafadda ay asalkeedii hore ay xarun u ahayd boqortooyadii Caucasus. Kadibna ay magaalo madax u noqotay Avar Khanate muddo sannado ah kahor inta aysan cagta marin Mangooliyiinta.

Waxay leedahay biyo dhacdyo qurux badan oo lagu dhaaya-tiirsado iyo meelo kale oo dalxiiska iyo damaashaadka ku fiican.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse oo la ciiday ciidan & shacab ku sugan Km50 (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar badan oo ku dhimatay qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah

Caydiid Ali

Farmaajo & Rooble oo Isfaham hordhac gaaray iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---