Garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo kuyaalla dalka Indonesia, ayaa waxaa ka dhacay rabshado xooggan iyo isbuurasho sababtay geerida taageerayaal ka badan boqol qof iyo dhaawac intaasi kasii badan.
Ciyaar adag oo u dhaxeysay kooxaha sida weyn u loolama ee Persebaya Surabaya iyo Arema FC, ayaa gabogabadii isku bedeshay rabshado, waxaana ciyaartan guul ka gaartay kooxda Persebaya Surabaya.
Booliiska ayaa sheegay markii ciyaarta dhammaatay in garoonka rabsho xooggan ka bilaabatay, waxa ayna rabshada keentay in booliiska adeegsadaan sunta dadka ka ilmeesiisa oo xaaladda uga sii dartay.
Inta la xaqiijiyay 127-qof ayaa ku dhintay rabshadaha iyo isbuurasho ak dhacday gudaha garoonka, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay rabshadahan dad ka badan 180-qof oo lagula tacaalayao xarumo caafimaad.
Wasiirka amniga ee dalka Indonesia, ayaa sheegay in ay baarayaan rabshadaha iyo isbuurashada ka dhacday ee sababtay geerida dadka aadka u badan, waxa uuna xusay in garoonka tageen dad ka badan tirada taageerayaasha uu garoonka qaado.
Madaxweynaha dalka Indonesia Joko Widodo ayaa amar degdeg ah ku bixiyay in dhamaan ciyaaraha horyaalka kubadda cagta Indonesia la joojiyo ilaa inta baaritaan looga sameynayo masiibadan dadka badan ku dhinteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com