Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah xarumaha ciidamada DF oo loogu magac daray Gen. Farxaan Qaroole

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar) oo ka hadlay aaska Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa sheegay in marxuumka loogu magac daray mid ka mid ah xarumaha ciidamada.

“Waxuu ahaa aniga Saxiibkay, Shaqsi si aad ah iigu dhow ayuu ahaa, Geesi ayuu ahaa, Shumac soo ifaya ayuu u ahaa dhallinyaradda asaagiisa ah” ayuu yiri taliye Xijaar.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaana marne niyadayda ka go’ayn  markii toban iyo todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah oo uu soo dhammaaday Imtixaanka  shahaadiga ah, Siduu u sugay amnigooda iyo siday ugu faraxsanayeen maalintaa oo ay u xambarayeen” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale yiri “Qof kasta oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyad darajo kasto iyo fadhi kasto oo uu ka tirsan yahay, Waa inuu noqda Faxaan oo kale”.

Taliyaha ayaa sheegay in Maanta laga bilaabo Xarunta Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad loogu magac daray Generaal Farxaan.

Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa dhintay ka dib markii ay la qaraxday miino dhulka la aasay kaasoo ka dhacay duleedka degaanka Basra.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad ka hor timid amar ka soo baxay Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse soo arkay sida ay u shaqeyso Safaarada Soomaaliya ee Masar (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo gaaray Garowe, si diiran loogu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---