Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqolaal ka tirsan Milateriga Ruushka oo ku go’doonsan Magaalada Lyman (Sawirro)

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa ka socda magaalada Lyman, oo ka tirsan gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine.

Wararka ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan ciidamada Ruushka ay magaaladaas go’doon ku yihiin markii ay hareereeyeen ciidamada Ukraine.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ukraine  Militariga Ruushka ee halkaas joogga, ayaa taliyeyaashooda ka codsaday inay u fasaxaan ka bixitaanka magaalada, balse codsigaas ayaa la diiday.

Madaxa Maamulka gobolka Luhansk, ee Serhiy Haidai, ayaa sheegay in askarta Ruushka ay hadda u furan yihiin labo go’aan oo keliya, oo kala ah: inay xoog ku baxaan ama in ay isdhiibaan.

Haidai, ayaa intaas ku daray in hadda magaalada Lyman ay ka xireen dhammaan waddooyinkii ay rasaasta ugu imaan lahayd ciidankaas, ama ay si nabad ah ugu bixi lahaayeen.

Maalintii Jimcada, guddoomiyaha ay sameeyeen Ruushka gobolka Donetsk, Denis Pushilin, ayaa sheegay in magaalada Lyman ay ku dhowdahay in la hareereeyo gebi ahaanba, ciidamada Ruushkuna  ay wadaan dagaalo isdifiaac ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Joe Biden oo si kulul u dhaleeceeyay Hoggaanka maamulka Israa’iil

Cabdi Cade

Ciidano katirsan dowladda oo Markab dagaal dushiisa Tababar ku qaatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyay arrimaha Doorashada Somalia & Shirka Afisiyooni oo ..

admin