Dhammaadka sanadkii 2013, ayaan booqdey bar howlgal oo ku taaley degmo ka mid ah degmooyinka Caasimadda Muqdisho, halkaas oo howlo gaar ah oo qeyb ka ahaa sugidda amniga laga hoggaamin jirey.
Kormeerka xaruunta intaan ku jirey, ayaan kulan la qaatey saraakiisha iyo howl-wadeenada kale ee barta, waxaana bilaabey inaan la hadlo.
Markaan hadalka furey, welina ujeedada aanan guda gelin, ayaan geed weyn oo nooca talaalka loo yaqaano ah oo aan aad nooga fogeyn, hadalkeenase aan laga maqli karin, ka arkey wiil yar oo madoow, gaaban, aad u jil yar, isla markaana halkaas ku gaabsanaya ama ku gambanaya. Hadalka ayaan joojiyey, waxaana su’aaley sarkaalka barta xukumey, waxa uu yahey wiilkaas yar.
Sarkaalkii ayaa iigu jawaabey, “waa wiil yar oo xaafadda degan oo nala shaqeeya, wax baddana nala qabtey.”
Markaan hadalka dhammeystey, ayaan sarkaalkii barta ka codsadey in uu iigu yeero wiilka yar. Sarkaalkii ayaa u baaqey wiilkii yaraa, wuxuuna soo istaagey horteyda.
Waa wiil da’a ahaan yar, bar yar, waxaana xasuustaa oo aad ii cajiib gelineysey, dhoola caddeyntiisa aan dibnaha aad loo fureyn (waa astaan lagu dhasho ama la baro qofka, gaar ahaan jileyaasha iyo basaaska), iyo kalsoonida ka muuqatey.
Dhowr su’aalood ayaan weydiiyey oo ay ka mid aheyd, sababta kaligiis u fadhiistey geeska, wuxuuna iigu jawaabey “Kama tirsani ciidanka, kaliya waan caawiyaa, waxaana doonayey inaanan ka qasan shirkooda, taliyaha barta ayaana igu yiri madax ayaa noo imaaneysa.”
Intii aan su’aalaha weydiinayey wiilka yar, waxaan, aniga oo kaashanaya xirfaddeyda macallimnimo, qiimeynayey wiilka yar, waxaana iiga muuqatey astaamo muujineynaya mustaqbalkiisa iyo in uu yahey mid dhiiran oo aan walaacsaneyn.
Sida lagu yaqaan bini-aadamka, gaar ahaan, askarta ama howlwadeenada aan joogtada aheyd, xuquuqdana laheyn, marka ay madaxda arkaan, waxay iska soo ridaan caloosha, iyaga oo calaacal iyo codsiyo xuquuq raadis ah oodda ka qaada. Wiilka yar marna kama dareemin in uu qabo baahi ama dareen ka duwan dadka uu la joogey ee maanta gaarka isaga saarey, iyaga oo iga qarinaya aniga.
Markaan xaruunta ka baxayey ayaan u sheegey sarkaalkii barta madaxda ka ahaa in uu maalinta Sabtida ah (Afar maalin kaddib) xaafiiska iigu keeno wiilka yar oo aan ku naaneysey wiilka Geedka. Naaneystaan waxay aheyd magaca sirta ah ee aan buugeyga ku qortey maalintii ugu horreysey ee aan la kulmey.
Maalintii ballanta, ayaa wiilkii yaraa (wiilkii Geedka) xaafiiska la iigu keeney. Inta aanan la kulmin wiilka, ayaan daqiiqado la sheekeystey sarkaalkii barta oo ka mid ahaa saraakiisha ugu shaqada wanaagsaneyd, ugu daacad sanayd, ilaa maantana shaqada qaranka ku jira, waxaana weydiiyey su’aalo dheeri ah oo la xariirey wiilka. Sarkaalkii ayaa iga baxay, waxaa la ii soo geliyey wiilkii yaraa (Wiilka Geedka). waxaan la fadhiyey 30 daqiiqo, aniga oo wax ka weydiiyey, xogtiisa, xaaladdiisa iyo xariiradiisa, iyo sidoo kale waxyaabaha uu qaban karo. Muddada aan la fadhiyey wiilka yar (wiilka Geedka), waxaan ka aqristey wajigiisa iyo hadalkiisa in uu yahey shaqsi karti iyo dhiiranaan leh, faham iyo xogna ka heysta Nabad-diidka iyo qorsheyaashooda xaafadaha.
Intii aan la fadhiyey wiilka yar (Wiilka Geedka), waxaan, aniga oo aan la tashan saraakiisha kale, hoosta xariiqdey in shaqadu ay u baahan tahey wiilkaan yar, waxaana go’aansadey inuu si rasmi ah uga mid noqdo isla barta uu sida aan joogtada aheyn ula shaqeynayey.
Hadal isugu jirey dhiiragelin, tilmaamo, dardaaran iyo xeerarka iyo hababka shaqada kadib, waxaan weydiiyey wiilkii yaraa (Wiilka Geedka), haddii ay jiraan wax uu iga codsanayo, wuxuuse ka gaabsadey in uu codsado wax ka baxsan shaqada.
Sida caadadu tahey, madaxdu, marka ay la kulmaan askarta ama shaqaalaha aan joogtada aheyn, waxay siiyaan wax dhiiragelin ah ama waxay ku qanciyaan ballan qaad. Aniga oo taas ka duulaya, ayaan wiilkii yaraa (Wiilka Geedka) u soo taagey, lacag yar oo aan ugu talagaley dhiiragelin, wuxuuse si aan daah laheyn ula soo boodey, “Maya maya taliye, aniga lacag ma rabo, kaliya ciidanka inaan ka mid noqdo ayaan rabaa oo qaranka u shaqeeyo.”
Ma xasuusto inaan lacagtii ugu dhiibey sarkaalkii uu sida aan joogtada aheyn ula shaqeynayey iyo inaan jeebka isaga ceshadey.
Astaamihii aan hore uga aqristey ama la iiga sheegey wiilka yar (Wiilka Geedka), hadda waxaa ku soo korortey, in uusan aheyn shaqsi lacag doon ah ama nacfi doon ah.
Wiilkii yaraa (Wiilka Geedka) ayaa si rasmi ah uga mid noqdey, ciidanka amniga, wuxuuna si rasmi ah ula shaqo bilaabey bartii uu hore u caawinayey.
Warbixinada maalin laha ah, ayaan markasta waxaan ka arkayey, magaca wiilkii yaraa (Wiilka Geedka) oo qeyb ka ah howlgalo badan oo guuleystey, qaarna isaga ayaaba hoggaaminayey. Tan waxay ii aheyd war farxad leh, maxaa yeeley, waxaa is waafaqey astaamihii igu riixey inaan degdeg u qoro, dhaqankiisa iyo howl-gudashadiisa.
Kartida, hufnaanta iyo waajib gudashadiisa awgeed, ayuu wiilkii yaraa (Wiilka Geedka) xubin ka noqdey dhismaha Ciidanka Gaarka ah ee Amniga Caasimadda, wuxuuna muddo yar ku noqdey xubinta ugu firfircown, uguna dhiiran. Wuxuu noqdey geesi aan ganban oo nabad-diidka dhuunta u galey noloshana ku soo qabqabtey.
Muddoo kooban gudaheeda, ayuu ku noqdey taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Amniga Caasimadda, waxaana markii ugu horreysey magaciisa oo dhammeystiran ku qorey warqad xil magacaabis ah, Farxaan Maxamuud Aadan, waa wiilka Geedka. Wuxuu noqdey howlgaliye ay ka argagaxaan nabad-diidku, marka ay maqlaan magaciisa.
Ku dhowaad afar sano oo aan taliye u ahaa, waxaan u direy boqolaal howlgal oo midba midka kale adag yahey, kana khatar badan yahey, mana jirin hal howlgal oo aanan ku farxin habka uu u fuliyey iyo natiijadaba. Inta aan howlgal u direy, waxaa ka badnaa, inta uu is direy ee natiijo fiican laga keeney.
Marka howlgal loo socdo ee aan siinayo dardaaranka ugu danbeeya, wuxuu lahaa oo igu macsalaameyn jirey oraah aan ku aqaanney oo aheyd, “Taliyoow kuwaan ilaa aakhiro waan is eryaneynaaye ka jiifo.”
Muddadaas uu ila shaqeynayey Farxaan (Wiilka Geedka), wuxuu caan ku ahaa; Anshax wanaag, Xishood, Afgaabni, Adkeysi, Amar qaadasho xaalad adag iyo mid fududba, amaano, geesinimo iyo foojignaan. Kama mid aheyn saraakiisha shaqadooda soo dhex geliya danaha gaarka ah, laguma aqoon been abuur, xadgudub. Muddada wadashaqeynteena, ma maqal, mana arag Farxaan oo dan gaar ah i weydiisanaya, sidoo kale, ma maqal, mana arag, iyada shaqo taalo, Farxaan oo la leeyahey waa hurdayaa.
Hal howlgal oo aad la gasho Farxaan ama aad u dirto, ayaa kaaga filan inaad ku tixdo darajooyin iyo abaal marinno, waana midda keentey in uu muddo sanado ah gudahooda ku noqdo Sarreeye Guuto, taas oo ka dhigtey sarkaal iga sarreeya oo aan markaan salaanta u saaro, amarkana ka qaato. Waxayna runtii ii aheyd farxad inaan indhaheyga ku arkey Farxaan (Ex-Wiilka Geedka) oo garbihiisu buuxaan.
Gen. Farxaan Maxamuud Aadan, wuxuu qeyb ka ahaa ama hoggaaminayey, howlgallo fara badan oo lagu soo badbaadinayey dad cadowgu ku qabsadey hoteelo, xaruumo dowladeed, maqaayado iyo qaar kale oo badan.
Alle ha u naxariistee, Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole), wuxuu hore uga badbaadey tiro shirqoolo isku-day dil ah oo lagu doonayey in nafta lagu dhaafiyo, iyo qaar sumcaddiisa lagu dilayey si loo joojiyo, kaddib markii uu nabad-diidka kala gaabiyey.
Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole), shaley ayuu shahiidey isaga oo eryanaya nabad-diidka, waxaana lagu aasey Muqdisho. Geesi ayaa lagu yaqaannaa in goobta dagaalka meydkiisa laga soo qaado! Waan maleynayey inaan Farxaan sariirtiisa ama hotel loogu imaaneyn ee isaga oo ay cadowga is hayaan uu bixi doono, taas ayey ku soo dhamaatey.
Ugu danbeyn, waxaan hubaa in Gen. Farxaan uusan la hoyan ciil, oofsheyna ballamihii uu la galay qaranka, iyo in tiir weyn uu ka go’ay qaranka.
Alle Ha U Naxariisto Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole), Ex-wiilka Geedka iyo askarta kale ee la geeriyootey, waxaana geeridiisa uga tacsiyeynayaa qaranka, ahalka, gaar ahaan Aabe Maxamuud Aadan iyo asxaabta oo ka tagey.
Raximmallaahu Taliye Farxaan!
Waxaa qoray:
Maxamed Aadan Koofi
Agaasmihii hore ee laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia