Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo joojiyay Lacago ay gobolka ka qaadan jiriin Saaxiibada Farmaajo !

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa amray in la jaro lacago badan oo bil walbo ka qaadan jireen siyaasiyiin iyo xubno kale oo aad ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo.

Sida aan wararka ku helnay maamulka gobolka Banaadir waxaa bil walbo biil joogta ah ka qaadan jiray siyaasiyiin badan iyo xubno katirsanaa kooxda Nabad iyo Nolol, gaar ahaan saaxiibada dhaw dhaw ee Farmaajo.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa bil walbo lacag gunno ah gobolka ka siin jiray xubnaha ku dhaw dhaw Farmaajo, waxaana dadkaasi ku jira xildhibaano, saraakiil ciidan iyo xubno baraha bulshada ka taageeri jiray Nabad iyo Nolol.

Siyaasiyiinta lacagaha gobolka Banaadir laga siin jiray qaarkood ayaa la sheegay in bil walbo u qorneed ayna qaadan jireen lacag ka badan 10-kun oo dollar halka kuwa kalana qaadan jireen lacago kala duwan.

Duqa Muqdisho oo dabagal ku sameeyay arrintan ayaa gabi ahaan amray in aan wax lacag ah gobolka laga siin karin shaqaaalaha maamulka wax ka baxsan, waxa uuna si gaar ah u amray in bishan laga bilaabo la hakiyo lacagihii sharci daradda uga bixi jiray qasnada gobolka.

Gobolka Banaadir ayaa ah il dhaqaale oo laga quudiyo siyaasiyiin, odayaal iyo dadka kale ee ku dhaw dhaw madaxda talada dalka heysa, waxaana xubnaha hadda lacagaha laga jarayo suurto gal ah in kuwa kale oo cusub lagu bedelo.

Shabakadda Allbanadair ayaana heshay magacyada iyo xogaha qaar kamid ah xildhibaanada , siyaasiyiinta iyo dadka kale ee Farmaajo ku dhawaa ee sida joogta ah gobolka lacagaha uga qaadan jiray, kuwaa oo hadda laga jaray, waxaana dib idiinka soo gudbin doonaa magacyada iyo xubnaha lacagaha qaadan jiray ee laga joojiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey Dabley hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay Baladweyne

Caydiid Ali

Akhriso War Murtiyeedka kasoo Baxay Shirkii Golaha Amniga Qaranka ay ku yeeshayn magaalada Baydhabo(Daawo Sawirada)

admin

Kuuriyada Waqooyi oo qarxisay Xafiis kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---