Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Ammar siiyay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda , halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda.

Siciid Deni ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda maaliyadda oo la wadaagay shaqada socota, iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan ee lagu maamulayo wasaaradda maaliyadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku amray wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaasi in la dardargeliyo kor u qaadista dakhliga iyo adeega Dowladnimo ee Wasaaraddu u hayso Bulshada .

Madaxweyne Deni auaa dhawwaan xilka ka qaaday qasiirkii hore wasaaradda maaliyadda Puntland, waxa uuna wasiir uga dhigay wasaaradan Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo horey u ahaa wasiirka arrimaha gudaha Puntland .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cawad & danjire Hassan Bin Hamza oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo qorsheyneysa dhismaha Garoon dayuuradeed cusub oo caalami ah

Caydiid Ali

Faahfaahin: Masuul ka tirsan Jubbaland oo ku dhaawacmay qaraxii Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---