Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Khilaafka ka taagan Doorashada iyo jidka loo marayo

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka dalka ka qorshaysan, waxana uu soo jeediyey in dhammaanba doorashooyinkaas loo daayo hay’adaha sharciga ah ee ay shaqadooda tahay.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in doorashooyinka taagan kala horraysiintooda loo maro waddooyin sharci ah, kuwaas oo loo daba fadhiyo hay’adaha arrimahaas qaranka u qaabilsan,

“Dalku wuu deggen yahay doorashadan wuu gelayaa, habkii loo geli lahaa iyo hay’adihii doorashada qabanayeyna way dhan yihiin, intaas oo doorasho ayeynu u baahannahay waxana ay u kala horreeyaan sida sharcigu dhigayo, sida doorashooyinka loo kala hormarinayo waxaynu u doorannay hay’ado, axsaabta tobankii sanoba mar halla furaa la yidhi, waxana ay u dooranay oo u xilsaaran Hay’adda Diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasiga ah, guddidaasna Baarlamaankaa u codeeyey, Baarlamaankuna axsaabta oo dhan buu ka kooban yahay, xisbi walibana siyaasadiisa Baarlamaankuu mariyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray“Waxaynu dhisnay Hay’addii doorashooyinka oo u garqaadaysa, xisbiyada tartami doona iyo madaxweyne iyo ku-xigeenka tartami doono, iyadana mucaarid iyo muxaafid waynu ku heshiinay oo waynu dhisnay, cidda kaliya ee ka hadli karta goorta doorasho la qabanayaana waa labadaas hay’adood, cid faro gelin kartaan ama jirto, waxana loo sameeyey xeer adag.”

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay waxa uu sharcigu ka odhanayo doorashooyinka ururrada oo haatan waqtigoodii la taagan yahay iyo sida aan loogu haynin qiil la xidhiidha muddo-kordhintooda, waxana uu yidhi,

“Saddex doorashaa yaalla, ta koowaad ee xisbiyada haddii muddada tobanka sanno ahi ka dhammaato xeerka Baarlamaanku ansixiyey ee ay ku shaqeeyaan muu sheegin haddii waqtigooda la qaban waayo sida la yeelayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in waqtigeedii la qabto, waayo tixraac kale maleh. Markaa immika waxaynu leenahay waqtigoodii baa la qabanayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay waxa la yeelayo haddii doorashada madaxweynaha waqtigeeda lagu qaban waayo iyo cidda uu sharcigu arrintaas siiyey,“Madaxweynaha waqtigiisa haddii la qaban waayo Distoorkaa sheegay halka loo marayo oo sharci baa ka yaalla, sharcigu ciddii uu siiyey baana ka talinaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo oo goáam cusub ku dhawaaqay kaddib guushii Goojacadde

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Khayre Oo Qaabilay Wufuud Ka Qayb Gashay Shir Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

(Sawirro) Sacuudiga oo 30 sano ka dib Safaaradiisa ka furanaya Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---