Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo dib ula wareegtay Deegaanka Moqokori iyo Deegaano kale oo Hiiraan katirsan

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa gudaha u galay deeqaanka Moqokori iyo deegaano kale oo dhaca bariga gobolka Hiiraan, oo dhawwaan la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa saakay gabi ahaan isaga baxay deeghaanada Moqokori, Yasooman, Ceel Qooxle iyo deegaano kale oo badan ay horey uga saareen Al Shabaab.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaana wararku sheegayaan in ay isku fidinayaan deegaanadii ay ka baxeen ciidanka dowladda, waxaana cabsi lasoo daristay dadka ku sugan deegaanadaasi ee horey usoo dhaweeyay ciidanka huwanta ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf soo kala dhax galay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Al Shabaab kala wareegay deegaano dhaca bariga gobolka Hiiraan, lamana oga waxa xilligan kusoo beegay khilaafkan.

Masuuliyiinta maamulka gpbolka Hiiraan iyo saraakiil ciidan ayaa kulamo ku leh degmooyinka Maxaas iyo Buulburte, waxaana kulamadan looga hadlayaa khilaafka keenay in ciidamada baneeyaan deegaano ay ka saareen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo daahfuray dhaqan galka heshiiska Somalia & Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

(Xog) Khilaaf la xiriira doorashada oo ka dhex curtay Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magaalada Oslo kula kulmay Erna Solberg (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---