Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Jeneraal Farxaan Qaroole oo Muqdisho lagu aasayo iyo Madaxda Qaranka oo …

Waxaa saakay lagu wadaa in qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aaso, allaha u naxariistee meydka taliyihii hore booliiskja gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Qaroole, oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra.

Madaxda dalka ugu sareysa iyo masuuliyiin kala duwan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan salaada janaasada ee lagu dukanayo meydka marxuum jeneraal Farxaan Qaroole taliyihii ciidanka booliiska gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay loo xiray aaska meydka Jeneraalka, waxaana la adkeeyay ammaanka inta ay socoto aaska Qaran ee loo sameenayo Jeneraal Qaroole.

Madaxda dalka ugu sareysa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn uga naxay ugana tacsiyadeeyay geerida taliye Farxaan Qaroole oo qarax miino shalay lagu dilay, waxaana geerida sargaalkan si weyn looga dareemay guud ahaan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoobiye ka haboobay xero Tababar ciidan ka socday oo dad Shacab ah dilay

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo UK oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Cali Yare Cali oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Xisbiga Nabad iyo Nolol

Caydiid Ali
Taboola Ads ---