Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay Dagaalka Hiiraan ?

Afhayeenka guud ee ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) , ayaa warar soo baxaya sheegayaan in dhaawac uu kasoo gaaray dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Ceel-Qooxle ee katirsan gobolka Hiiraan.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in afhayeenka guud  Al Shabaab Cali Dheere, dhaawac culus shalay kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-Qooxle ee hoostaga Moqokori.

Sida ay baahisay warbaahinta afka ciidamada qalabka sida dhaawaca afhayeenka Al Shabaab ayaa loo qaaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ,halkaas oo la sheegay in dhaawaca afhayeenka lagula tacaalayo.

Warbaahinta ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Ceel-Qooxle lagu dilay in ka badan 80-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare oo kooxdaasi katirsanaa.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara dhaawaca afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere, waxaana marar badan dowladda horey u sheegtay in Cali Dheere lagu dhaawacay sidoo kale lagu dilay dagaalo ka dhacay qeybo kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Waxbarashadda DF oo digniin siisay dugsiyada hoose, dhexe & Sare ee dalka

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kala diray guddiyadii doorashooyinka, xili la filayey..

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Maamulka Puntland oo saakay ku geeriyooday magaalada Garawe

Cabdi Cade