Agaasimaha Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka NISA Mahad Salad ayaa ka tacsiyadeeyey geeridda ku timid Marxuum S/Guuto Farxaan Qaroole oo ahaa taliyihii Booliska gobolka Banaadir.
S/Guuto Farxaan Qaroole iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku naf waayey qarax ka dhacay degaanka Basra ee duleedka magaalada Muqdisho xili ay halkaas ka wadeen howlgal ka dhan ah Al-shabaab.
Bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Mahad Salaad ku sheega in Farxaan Qaroole uu geeriyooday isagoo xaq u dirir ah.
“Allaha u naxariisto Taliyahii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Qaroole. Farxaan wuxuu shahiiday isagoo xaq ku diriraya, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah AS” ayuu yiri Mahad Salaad
War qoraal ah oo kasoo baxay Al-shabaab uuna ku saxiixnaa Afhayeenka ciidamada Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayay kooxdaas ku sheegatay dilka Farxaan qaroole.
“Hawgal si wanaagsan loo qorsheeyay ayay ciidamadeenu maanta ka fuliyeen degmada Balcad. Ujeedada hawgalku wuxuu ahaa in lagu khaajiriyo mid kamid ah saraakiisha cadawga. Xog dhamaystiran baan ka haynay dhaqdhaqaaqiisa iyo waxa uu damacsanyahay. Sidii loo qorsheeyay ayuuna hawgalku u dhacay” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
“Waxaa hawlgalka lagu dilay sarkaalkii hadafkeenu ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Farxaan Qaroole, 4 sarkaal kale oo la socotay iyo askari u qaabilsanaa qaadista sawirada iyo duubiska muuqaallada. Dhimashada guud ee goobta ka dhacday waa Lixdaas qofood” Dhaawucuna waa 13 kale, ayaa la sii raaciyay warka Al-shabaab.
Farxaan Qaroole ayaa ka mid ahaa taliyeyaasha ugu muhiimsan ciidamada Booliska, isagoo mar soo noqday taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad oo ah ciidan si gaar ah u tababaran oo loogu talo galay la dagaalanka argagaxisada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com