Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo War kulul ka soo saaray dilka taliyihii Booliska G/Banaadir

VILLA SOMALIA
WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay inay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran, waxa uuna sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee, uu go’aankaas lahaa, kuna shaqeeyey, maantana u shahiiday.

” Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud iyo askartii kaleba ee la shahiidday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo qaaday Talaabo ka careesiisay Midowga Yurub iyo Mareykanka

Cabdi Cade

Booliiska Kenya oo soo bandhigay Soomaali lagu tuhmayo dilal argagax lahaa

Cabdi Cade

Hindise Sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay Aqalka Sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---