Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weriye ka tirsan SNTV oo ka mid noqday dadkii ku naf waayey qaraxii Basra

Weriye ka tirsan Warbaahinta dowladda ayaa ka mid noqday dadkii ku naf waayey qaraxii saaka ka dhacay degaanka Basra ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marxuum Ex-Wariye Axmed Maxamed Shukur (Axmed Socdaal) oo ka Tirsanaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo howl shaqo u joogay degaankaas ayaa ku dhintay howlgalka.

Sida Wararku sheegayaan weriyaha ayaa la socday S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo ahaa Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir oo isna qaraxaas ku dhintay.

Wariye Axmed Maxamed Shukur (Axmed Socdaal) ayaa oo SNTV uga soo warami jiray degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay inuu warbixino ka soo duubayey howlgalka saaka ka dhacay degaanka Basra.

Sidoo kale waxaa qaraxaas ku naf waayey qaar ka mid ah ilaalada gaarka aheyd ee S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo ahaa Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ka dalbaday Warbixin la xiriirta Xariga Abuu Mansuur

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo Golaha amaanka ee QM u gudbisay cadeymo ka dhan ah Kenya

Caydiid Ali

Xariga Cabdirashiid Janan Ma Caddaaladbaa Mise Waa Culays Siyaasaddeed !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---