Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Boliiska Somalia oo ka hadlay qaraxa lagu dilay taliye Farxaan Qaroole

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka dhintay S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo ahaa Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir,

“Waxaanna Ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano Sarreeyaha iyo shuhadadii la geeriyootay, sidoo kalena inta ku dhaawacantay in uu ilaahay u booga dhayo” ayuu yiri taliye Xijaar.

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/lle Sadiiq Doodishe ayaa isna war kulul ka soo saaray qaraxii lagu dilay S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) kaasoo barqanimadii maanta ka dhacay degaanka Basra ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ilaahay ha u naxariistee waxaa ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayay  khawaarijta saakay 11:30 am  S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan (Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ee CBS)” ayuu yiri afhayeenka

G/lle Sadiiq Doodishe ayaa intaas ku daray in Howlgalkan uu ahaa mid ay Ciidamada Amaanku kaga sifeynayaleen Al-shabaab xuduuda deegaan ee Gobolada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.

“Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ILAAHAY ha u booga dhayo, Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecin doonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada” ayuu yiri G/lle Doodishe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal Ciidan iyo askar badan oo lagu dilay weerarkii saakay lagu qaaday Xawaadley

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay duqeyn ka dhacday Calmiskaad

Cabdi Cade

Boqolaal arday oo Jaamacado ka baxay oo ku biiraya Booliiska Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---