Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka DF oo si buuxda ula wareegay degaanka Basra & tuulooyinka hoos taga (Sawirro)

Ciidamada dowladda ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay muddo dheer gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Howlgal qorsheysan oo Waaberigii saaka ay Degaanka Basra  ka fuliyeen Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayay kula wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyinka Hoos yimaada.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada oo gaaraya 9 tuulo ayaa kala ah.

Basra
Sabyo
Bahdaad
Beled Al Kariim
Baldooska
Alifoow
Muryaley
Daniga Balow
Buula Xansholey

Waxay dhammaantood ku teedsanyihiin Wabiga Shabeelle, waxayna dhacaan xadka ay wadaagaan gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Alshabaab ee Degaanada ay la wareegeen, isla markaana aysan jirin wax iska caabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku socday.

Deegaanka Basra waa deegaan Istiraatiiji ah iskuna xira gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, Sidoo kale Alshabaab ayaa Basra kulahaa Saldhig wayn oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo si adag uga hadashay tacadi ka dhacay degmada Afgooye

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii Sharma Shiikh

Caydiid Ali

Wasaaradda Caafimaadka oo ammar siisay Isbitaalada magaalada Muqdisho kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---