Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo sheegtay in goob Ceel Biyood laga qodayey uu ka soo baxay shidaal

Somaliland ayaa sheegtay in raadka wax u muuqda shidaal laga helay degaanka Baha-Dhamal oo ka tirsan degmada Sallaxley.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada ayaa sheegay in goobta shidaalka uu ka soo baxay markii hore laga qodayay Ceel Biyood riig ah.

“Calaamado muujinaya in shidaal ku jiro ayaa naga soo gaaraya Tuulada la yiraahdo Baha-Dhamal oo Sallaxley dhanka Bari ka xigta 8KM” ayuu yiri wasiirka

Waxaa uu sheegay beer halkaas ku taalla laga qodayay riig ceel biyood ah oo wasaarada biyaha ay ku howlaneyd.

“Markii la marayay 340 mitir ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, waxaana laga helay saddex calaamadood oo uu yeelan karo.” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray iney wadaan baaritaan rasmi ah oo arrintaas la xiriira.

Shirkado shisheeye sahmin shidaal wada ayaa ku sugan Somaliland, kuwaasoo baaritaano ku haya meelo lagu tuhunsan yahay inuu shidaal ku jiro, balse arrinta Ceelkan ayaa haddii la xaqiijiyo noqoneysa mid lama filaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halis lasoo daristay Qoyska Wiil yar oo la kulmay Lionel Messi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hogaamiye dhowr bilood ka hor la shaaciyey in la dilay oo Video soo diray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Trump oo si aan ku tala gal aheyn usoo bandhigay Warqad sir u aheyd (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---