Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ka daah-furay magaalada Muqdisho ololaha Qaran ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta.
Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u xilsaaran jiheynta, abaabulka, iyo ka faa’iideysiga awoodda dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qorshahan ayaa halku dheggiisu yahay “dhallinyaradu ha jebiyaan derbiga cabsida” maadaama ay yihiin awood dihan oo haddii si wanaagsan looga faa’iideysto horseedi karta horumar in laga gaaro dabargoynta cadowga sida uu sheegay RW Somalia.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed inay u midoobaan ka qeyb qaadashada halganka socda ee la xariira dib u xoreynta iyo xasilinta dalka.
Ololaha Qaran ee Doorka Dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta ee uu daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ku soo aaday xili gobolada dalka qaarkood ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada DF iyo qabaail ka gadooday dhibaatooyin ay sheegeen iney u geysatay kooxdaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com