Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Nabad sugida K/Galbeed (Sawirro)

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Maamulka gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Maxamed Xasan Nuur oo ka tirsana Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ee Ku sugan degmada Xuddur ee xaruunta gobolka Bakool.

Waxaa uu sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabab muddo labo sano ah, asagoo ka qeyb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka.

Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka nabad sugiddu si wanaagsan usoo dhoweyeen.

Wuxuu ugu baaqay dhallinyarada weli ku jirta Al-shabaab inay isu soo dhiibaan Ciidanka Qaranka, ayna heli doonaan soo dhoweyn wanaagsan iyo daryeel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rasaastii Ciidamada Dowlada ku fureen taliyihii hore ee NISA oo si kulul loo cambaareeyay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Dowlada oo si buuxda ula wareegtay Astaanta Internetka Somalia

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Wakiilka QM & danjiraha Britain (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---