Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Daah-furay Mashruuca Biyo bixinta iyo Faara bixinta Waraha (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Daah-furay Mashruuca (Biyo Bixinta iyo Faara Bixinta Waraha), kaasi oo maanta laga bilaabay Warta Hillaac (Ceel-Qalow) ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay dhibaato xoogan ku qabaan shacabka Muqdisho xilliyada roobka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Mashruucaan oo wax weyn ka tari doono sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo noq-noqday ee xilli roobaadyada taasi oo sababta in Wadada xiriirisa Degmada Wadajir iyo Degmooyinka kale ee Caasimada uu xermo marka uu roobka biyo dhigo wadada (Ceel-Qalow).

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxa uu qorsheenayaa sidii xal loogu heli lahaa goobaha biyo qabadyada Magaalada Muqdisho isla markaana loo yareen lahaa dhibaatooyinka dhasha xilli roobaadyada taasi oo saameen xoogan ku yeesha Bulshada Caasimada.

Related posts

Axmed Madoobe oo maalmo badan kadib ku laabtay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Gudoomiyihii maamulka Garissa oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Nairobi

Caydiid Ali

Saldhig ciidamada Somaliland ku leeyihiin degmada Ceerigaabo oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---