Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo bogaadisay guulo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay shir ay yeesheen golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.

Golaha wasiiradda kulan ay yeesheen uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada Al Shabaab looga saaray deegaano badan qorshaha sugidda amniga .

War saxaafadeedka kasoo baxay shirka golaha wasiiradda ayaa u qornaa sida tan:

Shirkii Golaha Wasiiradda XFS oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada argagixisadu shacabka ku dhibaateeyaan, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada lagu cirib tirayo nabad diidka ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada guuleystay ee nabad-diidka looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay argagixisada.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen
Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda cirib tirka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda si fiican ugu baraarugay dhagarta argagixisada ee duullaanka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladdnimada, isla markaana banaystay maalka iyo nafta shacabka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in bulshaddu hormuud ka noqoto howl-galka dib u xorraynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warabixin: Labada Madaxweyne ee loo doortay Jubbaland & waxa ka dhalan kara

admin

Somaliland oo Heegan ka gashay ka hortagga Xannuunka Coronavirus (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhex qarxay Soomaalida & Oromada Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---