Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dowladda oo sheegtay in xubno badan Al Shabaab looga dilay dagaalkii Ceel Qooxle

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo garabsanaya maleeshiyaad macawuusley ah iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Ceel-Qooxle oo 35-km u jira magaalada Moqokori.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka labada dhinac dhax maray ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana wararku sheegayaan in Al Shabaab qaraxyo iyo hub culus kusoo weerareen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee Sonna oo soo xiganeysa saraakiil ciidan ayaa baahisay in dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-Qooxle ee duleedka Moqokori lagu dilay 40-dagaalame oo katirsan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ee la hadlay Wakaaladda Sonna ayaa sheegay in ay ciidamada heleen xogta dagaalyahanada Al Shabaab oo weerar soo ahaa kana hortageen, waxa uuna xusay in dagaalka ku jabiyeen khasaaro xooggana ku gaarsiiyeen Al Shabaab.

Dhinaca kale kooxda Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ka dhacay duleedka Moqokori, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in dagaalka ku dileen saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan dowladda iyo macawuusleyda.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-Qooxle ayaa dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa Nabddoon Cilmi Hagar Guurre oo ahaa nabaddoon jufada Cali Madaxweyne ee Xawaadle sidoo kale kamid ahaa dadka  dagaalka wax ka hoggaaminayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo ka carooday heshiis dhexmaray dowladaha France iyo Giriiga (Sababta)

Caydiid Ali

Musharax Xildhibaan Yuusuf Cabdi Maxamuud oo si weyn loo taageeray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxda maamul goboleedyada oo Shir Xasaasi ah yeelanaya iyo Wararkii ugu dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---