Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Ruto oo siyaasi Soomaali caan ah u Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goor dhoweyd ku dhowaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha cusub ee wasiirrada ee dalkaaasi.

Sida ay sheegtay warbaahinta Kenya Xidhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo Wasiirka arrimaha dibedda.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afwerki oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya & ciidankii lagu soo tababaray dalkiisa

Caydiid Ali

Gaari Qaali ah oo lagu xaday Xoolo Nool iyo Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---