Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Somalia oo Xilka laga qaaday

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xil ka qaadis deg deg ah ku sameeyay Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xilka looga qaaday Wasiirka Waxbarashada, lamana caddeyn sababta Wasiirkan xilka looga qaaday.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Xil ka qaadista Wasiirka Waxbarashada ayaa loo maleenayaa in ay salka ku heyso hadalkii muranka badan dhaliyay uu Warbaahinta ka sheegay oo aheyd in aysan Dowladu aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ay ku jirto Jaamacada Umada Soomaaliyeed.

Wasiirkan xilka laga qaaday ayaa noqonaya kii labaad ee xilka laga qaado bishan gudaheed, waxaana Xukuumada Kheyre marar badan xilka laga qaaday Wasiiro la sheegay in ay galeen khaladada iyo kuwa ay isku dhaceen R/Wasaaraha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kumaandoska Danab oo 17 dagaalyahan ka dilay Duleedka degmada Bu’aale (Sawirro)

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Ka mid maaha Siyaasadeena aargudasho & kala adkaansho”

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Xildhibaanada Ahlu Sunna oo ka qeyb galay Dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta (Magacyada)

Cabdi Cade