Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowladda oo gubay Gaari Dagaal oo Al Shabaab lahaayeen (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheesan oo dhaliyay khasaaro kala duwan ka fuliyay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo fariisin muhiim ah u aheyd dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay intii howlgalka socday deegaanka Buq-aqable , ku dileen 11-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab kuwa kalana lagu dhaawacay.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale deegaanka Buq-aqable ku gubay gaari nuuca dagaalka gaar ahaan kuwa Cabdi bilaha loo yaqaan oo la sheegay in Al Shabaab uga carareen deegaankaasi.

Howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka macawuusleyda ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, waxa ayna ciidamada xalay galeen deegaanka Buq-aqable oo Al Shabaab ku lahaayeen fariisim muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas iyo Israa’il oo wadahadallo isku mari la’ iyo liiska maxaaniis ay Xamaas …

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo Xaalku ku xun yahay iyo Talaabooyinka laga yaabo in …

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Hobyo Ma ogola dadkeedu in Heshiis Itoobiya lagula galo Dekedeeda”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---