Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay geerida Shiikh Yusuf Al-Qardaawi (Akhriso)

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Somalia Ummada Islaamka guud ahaan iyo qoyskiisii kaga tacsiyadeysay geerida naxdinta leh ee ku timid Sh. Yuusuf Al-Qardaawi.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta aya lagu sheegay in Shiikha uu ahaa caalim wax badan u soo qabtay fidinta iyo barashada diinta Islaamka.

Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo u dhashay dalka Masar ayaa geeriyooday sida lagu baahiyay qoraal lasoo dhigay Twitter-ka Sheekha.

Al-Qaradaawi waxay da’diisa aheyd 96, Sheekh Yuusuf oo fadhigiisu ahaa Qatar ayaa heystay dhalashada dalkaas.

Wuxuu jagooyin sar sare oo dhanka diinta ah kasoo qabtay Masar, Sheekh Qardaawi wuxuu wax badan ka qoray shareecada Islaamka isagoo Wuxuu mar soo noqday madaxweynaha Ururka caalamiga ee islaamka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Heer Federaal oo doortay Gudoomiye

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada: 5 Gudoomiye Waaxeed oo dhawaan xilka laga qaaday oo ku xiran Muqdisho 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---