Ciidamada Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa bilaabay in ay xiraan odayaasha dhaqanka iyo dadka kale ee la macaamila dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan duleedka Muqdisho.
Al Shabaab ayaa inta badan maxkamado ay leeyihiin oo kuyaalla duleedka Muqdisho iyo deegaano kale uga yeera dadka dacwadaha laga soo gudbiyo iyo sidoo kale dadka kale ay ka rabaan arrimo iyaga u gaar ah.
Ciidamada dowladda ayaa horey uga war hayay dadka Al Shabaab la macaamila , mana jiri jirin tallaabooyin ay dowladda ka qaado dadkaasi oo si joogta ah uga bixi jiray Muqdisho dibna ugu soo laaban jiray.
Hay’adda NISA ayaa hadda bilowday in ay beegsadaan oo xiraan dadka u cadaalad doonta Al Shabaab iyo kuwa kale ee macaamilka u aada, waxa ayna hadda xabsi ku hayaan odayaal iyo dad kale oo la qabtay iyaga oo kasoo laabtay deegaanada Al Shabaab maamulaan.
Waxaa hadda cabsi lasoo daristay dadka la macaamila Al Shabaab ee taga goobaha looga yeero, kuwaa oo horey u heestay ballamo lagana sugayay in ay tagaan maxkamadaha Al Shabaab ee kuyaalla Shabeelaha Hoose.
Maxkamadaha Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe ahaa kuwa mashquul ah ay u caddaalad raadsadaan dadka is haya, waxaana maxkamadahaasi fulay xukunno kala duwan oo ay rideen .