Allbanaadir.com
NEWS

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo kuyaalla dalka Dibadiisa oo Muqdisho la keenayo

Waxaa beri oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho laga soo dejiyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsi kuyaalla dalka Liibiya, kuwaa oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxaha magafayaasha loo yaqaan.

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegtay in berri Muqdisho laga soo deejinayo sagaal dhallinyaro ah oo laga soo daayay xabsiyo ay heestaan kooxo magafataal ah ay u xirnaayeen.

Waxa uu sheegay Xoghaye Ayuub Xaashi in Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ay fududeyneyso safarka Dhalinyaradaan lagu keenayo Magaalada Muqdisho si ay dib ula midoobaan ehelkooda oo markii horay ay ka tageen.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa wali ku xiran xabsiyo dowladda Liibiya leedahay iyo xabsiyo gaar ah ay gacanta ku hayaan kooxaha magafayaasha loo yaqaan, kuwaa oo dhallinyarada Soomaaliyeed u heesta madax furasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 100-Maxbuus oo Cafis loo fidiyay Munaasabada Ciida Owgeyd

Cabdi Cade

Tirada Wariyaasha lagu dilay Caalamka 20-kii sanno ee lasoo dhaafay oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo…

Cabdi Cade

William Ruto oo Shaaciyay Arrimo uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala shaqeyn doono

Cabdi Cade
Taboola Ads ---