Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo weeraro rogaal celis ah ku qaaday degaanadii laga saaray qaarkood

Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay iney galabta weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen qaar ka mid ah degaanadii saaka laga saaray ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta DF C/raxmaan Al-Cadaala oo ku sugan jiidaha dagaalka ayaa sheegay in Al-shabaab lagu jebiyey weerarada ay soo qaadeen khasaare xoogana loo geystay inkastoo uusan magcaabin degaanada ay Al-shabaab ku soo qaaday weerarada rogaal celiska ah.

HOOS KA AKHISO QORAAL UU BOGGIISA FACEBOOK KU SHAACIYEY WASIIR AL-CADAALADA

—————————

Afar weerar oo ay soo qaadeen Khawaarijta Alshabaab si ay uga soo kabtaan jabkii saaka kasoo gaaray hawlgalkii Gobalka Galguduud waxeey kala noqdeen dhimasho ka badan 30 iyo dhaawac ka badan 55 maleeshiyaadkooda ka tirsan.

Waxaan ilaaheey uwaydiinayaa in uu Shahaadadooda u aqbalo Shuhadada dhankeenna ah dhaawacana inoo bogsiiyo.

Waxaan markale ammaan aad uwayn ujeedinayaa Mujaahidiinta huwanta ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha Deegaanka.

Waxeey si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan dhulkii laga xoreeyay khawaarijta waxeeyna u diyaarsan yihiin waajib gudashada xigta Insha allaah.

—————————

Related posts

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Shiinaha oo Maxkamad lagu soo taagayo Mareykanka

Caydiid Ali

Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Sudan Oo Lagu amray in ay deg deg ku yimaadaan Muqdisho

admin

Masuuliyiin dhiirogelin ugu tagay Ciidamadii Al Shabaab ka saaray Janaay Cabdalle (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---