Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yuusuf Dabageed oo xilkii ka qaaday Wasiir ka tirsan Mamulka Hirshabelle (Akhriso)

Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dagabeed ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle isla markaana  sheegay inuu shaqada wasaaradda sii wadi doono Wasiir K/Xigeenka .

Markaan arkay baal marida iyo fulin la’aanta amarka Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha madaxweynaha dowlladda Hirshabelle. Markaan garawsaday Hubsiino la’aanta masuuliyadeed ee fulinta shaqo iyo waajibaadka Dastuuriga ee Dowladda Hirshabelle Markaan u kuur galay ku tagri falka awoodeed ee shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Dowladda Hirshabelle Waxaan maanta oo ay Taariqda 25/09/2022 shaqadii ka joojiyay Dr. Sakariye Maxamed Axmed Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada dowladda Hirshabelle.waxaa shaqada Wasaaradda sii wadi doona wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Shuceeb Xassan Maxamed” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Dabageed, mana cadda in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu talaabadan la og yahay ku xigeenkiisa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DABAGEED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo si adag uga hadashay Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand

Cabdi Cade

Alpha Conde oo la dejiyay Hotel Qaali ah iyo ciidamo badan oo ilaalo ka haya

Cabdi Cade

Booliska DF oo xiligii salaada Jimcaha xiray Masaajidada Muqdisho qaarkood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---