Xaflad ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Somaaliyeed ee UK laguna soo dhoweynayey Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cusmaan (Yariisow) ayaa xalay lagu qabtay magaalada London.
Waxaa kulankan ka qeyb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa raisul wasaarihii hore ee Somalia Nuur cadde iyo xubno kale oo isugu jiray siyaasiyiin, haween iyo aqoonyahano iyo qeybaha bulshada.
Xubnaha ka hadlay kulankan ayaa ku amaanay guddoomiye Yariisow waxqabadkisa mudada kooban ee uu hayey xilka gobolka banaadir iyagoo sheegay iney garab taagan yihiin, waxayna ugu baaqeen inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wado.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cusmaan (Yariisow) oo hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey jaaliyada UK, isagoo dhinaca kale ammaanay doorka qurba joogtu kaga jiraan dib u dhiska dalka & hanna-qaadka dowladnimadda, wuxuuna tilmaamay in qurba joogtu ay siyaasada Soomaaliya si toos ah ugu soo biireen wax badana u qabteen wadankooda, isagoo dhinaca kale ka warbixiyey xaalada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada dalka iyo horumarka ay ku talaabsatay dowlada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com