Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qaar ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay Deni oo xilalka loo dhaariyey (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta  Wasiiro cusub oo dhowaan uu Madaxweynuhu magacaabay kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal Cabdiqani Maxamed Nuur, ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Mudane Maxamed Cabdiwahaab Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Cabdi Faarax Juxa.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Magacaabida wasiirada cusub oo lagu bedelay wasiiro saameyn badan lahaa ayaa hadal heyn iyo guux badan ka dhalisay degaanada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Doorashadii ka dhacday Somaliland

Cabdi Cade

Howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab oo ka bilaabanaya Sh/Hoose iyo Madaxweyne…

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo fasaxay Mashruuc hub iyo diyaarado looga iibinayay Dowlad Carbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---