Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Raisul Wasaare Hamza & danjire James Swan? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ergayga gaarka ah Mr. Swan ayaa kulankooda iskula soo qaaday xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadamnimo ee dalka ka jira.

Sidoo kale. labada masuul ayaa isla soo qaaday qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu ku saameeyeen gudaha Somalia.

Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada qorshaha xukuumadda Dan Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Hogaamiyaha SSC oo lagu soo dhoweeyey Laascaanood ka dib aqoonsigii DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin laga bixiyey shaqaaqo dhimasho geysatay oo ka dhacday Laascaanod

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Somalia oo eedeymo kulul loo jeediyey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---