Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka XDS iyo shacab hubeysan oo howlgal ka bilaabay gobolka Bay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan dowlad goboleedka K/Galbeed ayaa howlgalo ay ka sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Baay waxay kula wareegeen degaano ay gacanta ku hayeen kooxda Al-Shabaab.

Degaanadan oo hoos taga degaanka Daynuunaay ee gobolka Bay ayaa waxaa ka mid ah Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow.

Dadka degaanka oo hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney ka qeyb qaateen howlgaladan oo la soo sheegayo iney weli socdaan.

“Howlgalkan ayaa waxaa  jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab oo shacabka ku dhibaateynayay degaannadaasi” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo howlgaladaas ka qeyb qaadanayey.

Ciidanka xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa sido kale  howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Berdaale iyo Qansaxdheere waxay kaga sareen kooxda Alshabaab.

Kacdoon ay wadaan shacabka iyo beelaha qaarkood ayaa ka socda gobolada Hiiraan, Galgaduud, Bay, Bakool, Mudug iyo Meelo kale kaasoo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana kacdoonkan taageeraya ciidamada dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Guri Dabaq ah oo kuyaalla Muqdisho oo soo dumay iyo Gabar iyo Hooyadeed oo ….

Cabdi Cade

Dhalinyaro lagu eedeeyey iney kufsi geysteen oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xamse & xubno kale oo boqolaal shacab ah kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---