Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Heyadda Ifrah Foundation oo dhalinyaro u qabatay tababar la xiriira FGM-ka (Sawirro)

Heyadda Ifrah Foundation oo kaashaneysa heyadda UNFPA ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay tababar la xiriiray ka hortaga iyo la dagaalanka gudniinka gabdhaha oo dhibaato ba’an ku haya haweenka Soomaaliyeed qaarkood.

Waxaa tababarkan ka faa’ideystay dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga kala keenay qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Macalimiin aqoon durugsan u leh mowduucan ayaa tababarka ka bixiyey casharo la xiriiray dhibaatooyinka ka dhasha gudniinka gabdhaha iyo sida ugu haboon ee bulshada looga wacyigelin karo joojintiisa.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo gudniinka FGM-ka saddexdii qof ee ah haween Soomaali, mid ayaa lagu sameeyay gudniinka darran. Gabdhaha da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa lagu sameeyaa gudniinka, iyagoo aan la weydiinin rabitaankooda, taasoo loo arko xad-gudub ka dhan ah xuquuqdooda Dumarnimo.

Dhalinyarada loo qabtay tababarkan ayaa doodo iyo fikrado kala duwan isku dhaafsaday kulanka, kuwaasoo la xiriiray sida bulshada aan weli fahmin loo dareensiin siin karo qatarta dhinac walba leh ee uu leeyahay gudniinka gabdhaha iyo sidii loo ciribtiri lahaa.

Ka qeyb galayaasha tababarkan ayaa sheegay iney faham aad u sarreeya ka heleen dhibaatooyinka gudniinka gabdhaha ku hayo haweenka, iyagoo balan-qaaday in waxyaabaha ay ka barteen tababarkan u gudbin doonaan bulshada, si kor loogu qaado wacyiga la xiriira joojinta FGM-ka ama gudniinka gabdhaha.

Heyadda Ifrah Foundation ayaa sheegtay in ujeedada tababarkan loo siiyey dhalinyaradan ay tahay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta joojinta gudniinka gabdhaha, marka ay ku laabtaan bulshada degaanada ay ka kala yimaadeen.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la iska kaashado ciribtirka FGM-ka, si loo ilaaliyo malaayiinta haweenka iyo gabdhaha ee khatar ugu jira gudniinka sannad kasta, Soomaaliya iyo dalal kale ay safka hore kaga jiraan meelaha lagu ugu daran ee weli laga sameeyo gudniinka FGM-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Gantaal waxyeelo u geystay dad Yuhuud ah oo oo ku dhacay Magaalada Tel-aviv

Caydiid Ali

TPLF oo xaalku ku xun yahay & ciidanka Itoobiya oo Magaalooyin cusub qabsaday

Caydiid Ali

Qiyaastii 100 qof oo dhimasho & dhaawac noqday ka dib Markii..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---