Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Israel oo toogasho ku dilay darawal Falastiini ah & carro ka dhalatay

Ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dilay darawal Falastiini ah falkan ayaa ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto Sabtida maanta.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ninkan uu isku dayay in uu jiirsiiyo balse qoyskiisa ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in uu lumiyay kontoroolka gaarigiisa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa cambaareysay dilkan, oo ay ku sheegtay inuu ahaa mid ula kac ah oo ka baxsan sharciga.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow magaalada Nablus, oo ku taal woqooyiga Daanta Galbeed taasoo xudun u ahayd dhowr bilood rabshado.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askari iyo sarkaal booliis ah ay arkeen gaari si xowli ah ku socda oo si toos ah ugu socday iyaga. Askariga ayaa markaas xabad ku dhuftay gaariga.

Qoyska darawalka ayaa xaqiijiyay inuu dhintay waxayna sheegeen inay rumeysan yihiin in aabahood oo 36 jir ah ay u badan tahay inuu lumiyey xakameynta gaarigiisa.

Ugu yaraan 70 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed tan iyo markii milatariga Israa’iil ay bilaabeen howlgalkooda Breakwater ee ka dhanka ah mintidiinta 31-kii bishii March si ay uga jawaabaan weerarro isxigxigay oo ka dhacay gudaha Israa’iil.

Wadahadallada nabadeed ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ee u dhexeeyay dhinacyada, oo ujeeddadiisu ahayd in dawlad Falastiin looga dhiso Daanta Galbeed ee Israa’iil haysato, Gaza iyo Bariga Quddus, ayaa burburay sannadkii 2014-kii, iyadoo Israa’iil ay ballaarisay degaamayn dhawr ah.

Related posts

Dagaalo dib uga qarxay Woqooyiga Itoobiya iyo TPLF oo War soo saartay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Gudoomiyay kulan Hordhac u ah Shirka Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Suuriya & Ciraaq oo sheegay In Mareykanku ka laayey dad shacab ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---