Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shacab hubeysan oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay degaan ku yaalla gobolka Mudug, ka dib howlgal ay sameeyeen shacab hubeysan oo is abaabulay.

Cabdi Shidane Culusow oo ah sarkaal Al-Shabaab ugu magacaaban madaxa isgaarsiinta deegaanada Qeycad iyo Camaara oo Al-shabaab ay gacanta ku hayaan

Dadka degaanka Bajeela ee koonfurta gobolka Mudug oo hubeysan ayaa maanta ninkan ku soo qabtay howlgal ka dib markii ay ka war heleen goob lagu sheegay inuu ku sugan yahay.

Ninkan oo gacanta loo geliyey  Saraakiisha ciidanka Galmudug ayaa qirtay inuu xilal badan ka soo qabtay Al-Shabaab, isla markaanan uu hadda ahaa madaxda isgaarsiinta Al-shabaab ee degaano ka tirsan Mudug isagoo xusay inuu degaan ahaan ka soo jeedo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kacdoon ay wadaan shacabka iyo beelaha qaarkood ayaa ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia kaasoo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana kacdoonkan taageeraya ciidamada dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Cali Guudlaawe oo Gudoomiyay shirka Amniga Hirshabelle (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo fariin culus hawada u mariyey Masuuliyiinta Puntland

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Ammaanka iyo Maaliyadda danna u ah bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---