Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Waxbarashada oo sheegay in si khaldan loo fasiray hadal uu Warbaahinta siiyey

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka daba tegay hadal kasoo yeeray oo ku saabsanaa inaysan wasaaradiisu aqoonsaneyn Jaamcadaha dalka ka jira oo ay ku jirto Jaamacadda Umadda oo wasaaradiisa hoos tagta.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkiisa ahaa aqoonsiga Jaamacadaha si khaldan loo tarjumay, isagoo xusay Jaamacadaha dalka ka jira ay door weyn ka qaateen Horumarka Waxbarashada dalka, isla markaana ay socoto Nidaamkii lagu qiimeyn lahaa.

Wasiirka ayaa caawa hadalkan siiyey Warbaahinta dowlada, iyadoo hadalka ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka oo ay ku jirto Jaamacadda Ummadda ee dowladda uu ka careysiiyay madaxda sare ee dalka.

C/raxmaan Daahir Cusmaan oo wareysigaas ku sheegay in Jaamacadaha dalka ku yaalla keliya ay siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan, balse aanu jirin aqoonsi rasmi ah oo Jaamacadnimo ay u aqoonsan yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay inay dalka ka jiraan jaamacado fara badan oo laga doonayo iney shuruudo badan buuxiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Moussa Faki oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Madaxweyne Geelle:” Waxaa la gaaray xiligii ciidamada Somalia la wareegi lahaayeen amniga dalkooda”

Caydiid Ali

Musharax Jen. Tuuryare oo shaki ka muujiyey ciidanka Itoobiya ee gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---