Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibed baxyada ka socda Iran oo sii xoogeysanaya oo dad badan oo la dilay (Sawirro)

Dibad baxyada maalintii 8aad ka socda dalka Iran ayaa sii xoogeysanaya kuwaasoo ka dhashay marki ay dhimatay haweeney booliska gacantooda ku jirtay oo loo haystay xijaabka oo ay si aan munaasab ahayn u qaadatay.

Booliska dalka Iran waxay sheegeen tan iyo marki ay billawdeen mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Iran ay xireen dad gaaraya 700 oo qof oo ay ku jiraan 60 haween ah.

Tehran waxay sheegtay rabshadaha maalinti siddeedaad galay iney ku dhinteen ugu yaraan 35 qof halka boqolaal kalena ku dhaawacmeen.

Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa sheegaya mudaharaadyo dowladda looga soo horjeedo ay ka dhaceen magaalada Oshnavieh oo ku taalla xadka dalka Ciraaq.

Dad magaaladaasi ku nool ayaa sheegay in mas’uuliyiinti dowladda Iran oo halkaasi ku sugnaa iney magaalada isaga carareen, ciidamada ammaankana ay dib u gurteen.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ardey iyo kooxaha bulshada rayidka la xiray xilli ay ku sugnaayeen guryahooda.

Sidoo kale dibadbaxyo kale oo lagu taageerayo laamaha amniga ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Iran.

Haweenka ku dhaqan dalka Iran ayaa mudaaharaad ka dhigayay sharciga adag ee xijaabka iyagoo meel fagaare ah iskaga siibay xijaabka ama qamaarada sida la dheehan karay muuqaallo ay soo dhigeen baraha bulshada.

Shacabka gudaha iyo dibadda dalka Iran dibadbaxyada ka dhigaya ayaa sheegay xaalku inuu iisu baddalayo kacdoon guud oo looga soo horjeedo nidaamka ka arrimiya dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Masuul goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Danjire Caalin “Waa in khibrad laga qaato qaladkii horey loogu tuuray Jawaari”

admin

Meydka Sargaal Kenyan ah oo la tuhmayo in ay dileen Al Shabaab oo la helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---