Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka dowlada oo Al-Shabaab kala wareegay saddex degaan oo ka tirsan Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta degaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee maanta si nabdoon kula wareegay degaanka Labo-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii Al-Shabaab ay deegaankan isaga baxday saacado ka hor.

Howlgalka oo ah mid baaxad weyn ayay hoggaaminayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo ay furinta ku wehliyaan Xildhibaannada federaalka iyo Galmudug, kumatala deegaannada howlgalkani ka socdo.

Dhinaca kale, Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maanta howlgal ka dhan Al-shabaab ka sameeyay Deegaanno ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa gudaha u galay Deegaannada Laas-gacameey, Dhaghaye iyo Xeradii Taliska 21aad ee Duleedka Bacadweyne halkaasoo la sheegay in ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidankaas maanta hogaamineysay ayaa sheegay in Al shabaab ka isaga baxeen Degaanadaasi.

Howgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud iyo Hiiraan, kuwaasoo ay iska kaashanayaan Dadka shacabka iyo Ciidamada Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Codeynta doorashada Guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2aad oo bilaabatay

Caydiid Ali

Kenya oo bilaabeysa farsamo cusub oo ay kaga hortagayso weerarada Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wasiir ka hadlay weerar galabta lagu rasaaseeyey Kolonyo uu la socday Xassan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---