Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hogaamiye dalkiisa soo xukumayey 43 sano oo mar kale xilkaas u tartamaya

Madaxweynaha dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Equatorial Guinea, Teodoro Obiang ayaa mar kale xilka u tartamaya doorashada la qabanayo bisha November, sida uu xisbigiisu ku dhawaaqay.

Hogaamiyahan oo ah kan ugu xukunka dheer dunida ayaa ka qeyb galka doorashada waxay u badan tahay inay sii kordhiso 43 sano oo uu dalkan hoggaaminayay taasoo ka soo bilaabaneysa markii uu afgenbi talada kula wareegay sanadkii 1979-kii.

Obiang oo ah 80 jir ah ayaa intii uu xukunka hayey waxaa loo diiwaan geliyey xad gudubyo ay ka mid yihiin jirdil lagula kacay mucaaradkiisa siyaasadeed, doorashooyin laga been abuuray, iyo musuqmaasuq, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha iyo quwadaha shisheeye. Obiang ayaa eedeymahaasi iska fogeeyey.

Muddadii uu talada hayay waxa uu noqday mid si weyn ugu tiirsan shidaalka iyo gaaska, oo ah qiyaastii 75 boqolkiiba dakhliga dawladda. Lacagta ayaa waxa ay ku dhacdaa jeebabka dadka ku dhow dhow Madaxweynaha iyadoo inta badan dadka dalkaasi ay ku nool xaalad saboolnima ah.

Wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue oo sidoo kale ah madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa ah nin jecel xafladaha, baabuurta xawaarohoodu dheereeyo, iyo dahabka, waxayna maxkamad Faransiis ah 2020-kii ku xukuntay wax-is-daba-marin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Jowhar: Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha ciidamada dembi baarista gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday

Caydiid Ali

Akhriso :Barnaamijka Siyaasadeed ee Ra’isul Wasaare Xamse Barre dalka ku maamulayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---