Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqoon isweydaarsi looga hadlay ka hortaga Gudniinka gabdhaha oo Muqdisho lagu qabtay

Heyadda Ifrah Foundation ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon isweydaarsi looga hadlayey sare u qaadida wacyiga bulshada ee ku aadan ka hortagga Gudniinka gabdhaha ah iyo tacadiyada kale ee ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed.

Aqoon isweyraasigan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday ururada bulshada iyo kuwa madaxa banaan ee ka shaqeeya arrimaha la xiriira xuquuqda iyo horumarinta Haweenka.

Waxaa Aqoon isweyraasigan casharo ka bixinayey Macalimiin iskugu jiray Soomaali iyo ajnabi, iyadoo xubnaha ka qeyb ay isku dhaafsadeen doodo la xiriira sida ugu haboon ee looga hortagi karo tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo kaalinta ay dowlada iyo qeybaha bulshada ka qaadan karaan arrintaas.

Sidoo kale xubnaha ka qeyb galay aqoon isweydaarsigan ayaa sheegay in gudniinka gabdhaha iyo tacadiyada kale ee loo geysto haweenka ay noqdeen kuwo weli ka jira meelo badan, loona baahan yahay in ka hortagooda si wadajir ah loo wajaho.

Madaxa iyo Aasaasaha Heyadda Ifrah Foundation Ifrah Axmed oo ka hadashay Muunasabadan ayaa si qoto dheer uga hadashay muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo ka hortaga xad gudubka jinsiga ee ka dhanka ah Haweenka.

“Shaqsi keligii marka uu ka hadlaayo badbaadinta Haweenka iyo marka heyaddo badan oo codkooda uu meel fog gaarayo ay arrintaas si mideysan u wajahaan isku mid maaha, sidaas awgeed aad baan u bogaadinayaa sida ay diyaarka ugu yihiin wakiilada heyadaha nagala soo qeyb galay kulankan in dhibaatadan aanu si wadajir ah u wajahno” ayey tiri Ifrah Axmed oo intaas ku dartay in si gaar ah diirada loo saaro haweenka baahiyaha gaarka ah qaba ee tacadiyada la wadaaga haweenka kale.

Sidoo kale Ifraax ayaa ku dheeraatay dhibaatooyinka uu haweenka u leeyahay Gudniinka gabdhaha jir ahaan iyo maskax ahaan, iyadoo dhiirigelisay in la ilaaliyo xuquuqda Gabdhaha & Haweenka.

“Waxaa jira noocyo kala duwan oo gudniinka FGM-ka- saddexdii qof ee ah haween Soomaali, mid ayaa lagu sameeyay gudniinka darran. Gabdhaha da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa lagu sameeyaa gudniinka, iyagoo aan la weydiinin rabitaankooda, taas oo loo arko xad-gudub cad oo ka dhan ah xuquuqdooda” ayey intaas ku dartay Ifraax Axmed.

Madaxa iyo Aasaasaha Heyadda Ifrah Foundation Ifraax Axmed oo ah gabar u ololeysa xuquuqda aadanaha, joojinta gudniinka gabdhaha iyo ka hortaga kufsiga ayaa ku guuleysatay sanadkii 2015 biladda sanadlaha ah ee xuquuqda Haweenka Africa Afrika taasoo ay bixiso hay’adda Women for Africa.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka adduunka ugu sarreeya ee lagu sameeyo gudniinka FGM-ka. Boqolkiiba 90 haweenka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 ayaa lagu sameeyay gudniinka. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la iska kaashado ciribtirka FGM-ka, si loo ilaaliyo malaayiin qof oo khatar ugu jira gudniinka FGM-ka sannad kasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano uu ku jiro taliye Yaasiin Farey oo la dhaariyey iyo Xilkii taliyaha NISA oo

Caydiid Ali

Wasiirka arrimaha dibeda Somalia oo Addis ababa kula kulmay Mrs. Ine Marie Eriksen Søreide (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Shaqadooda u fasaxay wasiirro xayiraad shaqo horey loo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---