Inkasta oo ay muddo hore ka curteen carrigeena xisbiyo siyaasadeed, waxaa dhiciseeyay kacaankii mileteriga ee xukunkii xoog kula wareegay dastuurkiina laalay. Wixii ka danbeeyay sanadkii 2000, shirkii dib-u-heshiisiintii Carte waxaa si doqoni ma garato ah u soo noolaanayay hannaanka dawladnimo iyo siyaasadda qori isu dhiibka ku dhisan. Balse waxaa hule-beer-galay ku noqday dhawr arrimood oo iskaashaday, sida nidaamka 4.5, siyaasiyiinta hankooda hungurigu hago, dastuurka qabyada ah, hareer maridda xeerarka dawliga ah, damiir xumada caalamka iyo kuwo kale oo badan.
Indheergaradku waxay had iyo jeer ku nuuxnuuxsadaan mudnaanta ay leedahay in dalka ka hanaqaadaan xisbiyo leh aragtiyo siyaasadeed (political ideology) kuwaas oo ku tartama aragtiyo hufan oo ay gun u yihiin dib-u-dhis iyo dib-u-heshiisiin qaran, lehna aragti fog oo ku dhisma aragti qarannimo oo ka maran qabyaalad, qaraab iyo eex.
Dadkeennu waa kuwo aad u nugul, wax kasta oo madmadow ku jirana si fudud u kahan kara, ayna suurtagal tahay in ay degdeg uga falceliyaan. Taas ayaana keenaysa in la is waydiiyo su’aalo ay ka mid tahay doodda qormadani ku qotonto ee ”DAMUL-AL-JADIID DAYAX MISE DOGOB”. Waa su’aal jawaabteedu ay goor dhow kala caddaan doonto. Sommaalidu waxay tiraahdaa ”waa qurbac iyo waa nirig shafka ayaa naga xiga”. Inkasta oo dawladda haatan uu hormuudka ka yahay mudane Xasan Sh. Maxamuud aysan ku imaanin hannaan xisbi haddana sida ka muuqata dhismaha dawladda iyo magacaabidda xubnaha lafdhabarka u ah dawladnimada wuxuu u gacan geliyay kooxda uu hormuudka ka yahay ee DAMU-AL-JADIID. In dawlad ku dhisan saami qaybsi qabiil loo beddelo hab xisbi-qabiil waxaa ku hareeraysan madmadow badan. Madaxweynuhu wuxuu haystaa fursad uu ku noqon karo aabbaha iyo aasaasaha ”Soomaaliyada Cusub” iyo hormuud xisbi weyn oo taariikhda gala. Filashada shacabku waa mid aad u sarreysa iyaga oo eegaya waayo-aragnimada, waayo-jooga iyo xog-ogaalnimada madaxweynaha.
Kooxda waxaa horyaal jirrab ay kala dooran karaan HAN IYO HUNGURI. Haddii ay noqdaan kuwo han leh oo hufan waa sida iyaga iyo umaddaba u roone waxaa la arkaa in Soomaalidu dib u magoosho oo dadka u hanqal-taagaya hoggaanka sare wixii hadda ka dambeeya ay ku tartamaan qiyam toosan iyo waxqabad lagana gudbo ”aragtida isxinbaarka siyaasadda” oo ay sal u tahay ” waa la i wataa”. Haddiise kooxda hunguri qaado, waxay keeneysaa dib-u-dhac weyn oo soo foodsaara hannaanka siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed. Koox kasta oo isu bahaysata in ay maalka iyo mansabka bulshada ka dhexeya xaqdarro ku qaataan iyaga oo ku ganbanaya magaca siyaasiyiin waxay noqonayaan Qawlaysato (koox isku bahaysatay in ay boobaan xuquuqda dadka kale iyaga oo aan cidna u aabayeelaynin).
Dhibta ugu weyn ee dadkeenna nabad iyo horumar u diiday waa aragtida laga haysto dawladnimada oo siyaasiyiinta intooda badan ay u haystaan wax ay iyagu leeyihiin sida aan ka dheegan karno eraybixinta siyaasadeed ee Saamileyda Siyaasadda. Waa kuwo aaminsan in ay iyagu garashadooda, hantidooda, aqoontooda iyo awooddooda ku heleen kursiga. Siyaasadduna tahay meel raaxo iyo ribix loo doonto. Dhanka kale, shacabku iyaga oo og in aan hal xaaraan ahi nirig xalaal ah dhalayn ayay ka sugayaan in qawlaysato ay dadka iyo dalka wax wanaagsan u qaban doonaan.
Halhayska madaxweynaha ee ah ”soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah” iyo midka xukuumadda ee ah ”dawladda dan-qaran” ayaa Soomaalidu dhegaha u wada taagayaan. Ma ahan arrin ugub ah in erayo maran oo aan dhaafsiisnayn afka baarkiisa ay adeegsadaan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Waxaa jira kuwo badan oo hore loo halabuuray natiijadooduna noqotay ”hal bacaad lagu lisay”, dabadeedna bulshadu magacyadii ku habboonaa ay u bixiyeen.
Aragtideyda waxaan u arkaa halka ay sartu ka qurunsan in ay tahay golaha shacabka. Waa halka ay dawladnimadu ka toosi karto haddii ay fadhiistaan dad si dhab ah u metela bulshada ahna kuwo Eebbe yaqaan ah oo akhlaaq wanaagsan. Mana suurtogeleyso in la helo gole shacab oo tilmaantaas leh inta ay shacabku fursad u helaan in ay iyagu doortaan lana xisaabtamaan. Waxaa ila habboon in kooxda fursad la siiyo lana dhaliilo balse aan lugu degdegin in la dhaleeceeyo. Waxaan rajaynayaa in akhriste aad su’aashayda jawaabteeda heli doontid afar gu’ kaddib haddii Eebbe raali ka noqdo oo aan gaarno.
W/Q Aw Cabdiqani Xasan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com