Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo kulamo la qaatay madaxda Hay’addaha TIS iyo TIKA (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan xarunta gobolka kulan kula qaatay Madaxa Hey’adda TIS-3 ee Soomaaliya Mr. Iftikhar Ahmed,

Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale iyo Madaxa Hey’ada TIS-3 ayaa kawada hadlay dardargalinta mashaariicda la xariirta horumarinta Caasimadda, gaar ahaan dib udhiska goobaha danta guud, shaqa abuurka dhallinyarada, tababarada shaqaalaha iyo Wacyigelinta.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan hirgalinta mashaariic waxtar u leh bulshada Caasimada la qaatay Xiriiriyaha Hey’adda TIKA ee Soomaaliya, MR. Ilhami Turus.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga D.hoose ee Muqdisho iyo Hey’adda TIKA, Dhismaha warshad ay ka faaideysan doonaan Bulshada Caasimada.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay fulinta heshiiska mataaneynta Konya iyo Muqdisho iyadoona la isku afgartay in Maamulka sare ee Konya lagu casuumi doono Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo ka hadlay geerida Prof. Max’uud Macallin Cali Tuuryare

Caydiid Ali

Halkuu ku dambeeyay bannaabixii ay ku baaqeen taageerayaasha Sh. Suldaan ?

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka socda gudaha Israa’iil iyo Xamaas oo dad badan…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---