Allbanaadir.com
NEWS

ATMIS oo ku faantay in ay qeyb ka ahaayeen Dagaaladii Al Shabaab looga saaray qeybo kamid ah Hiiraan

Howlgalka Kumeel Gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS ,ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in ay qeyb ka ahaayeen howlgaladii dagaalyahanada Al Shabaab looga saaray deegaano badan oo kuyaalla gobolka Hiiraan.

Qoraalka kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidankooda qeyb ka ahaayeen howlgaladii lagu xureeyay deegaanada Abooray, Yasooman iyo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degaanka Sini-dhaqo ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ATMIS ayaa sidoo kale xaqiray meeshana ka saaray doorkii maleeshiyaadka macawuusleyda ku lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee lagula wareegay deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

Guulaha dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa ciidamada ATMIS sheegeen in ay ka dambeeyeen ciidankooda iyo kan dowladda federaalka, waxa ayna gabi ahaan meesha ka saareen kaalintii macawuusleyda dagaalada ku lahaayeen.

Ciidamada ATMIS ayaa horey loogu eedeeyay in ay diideen in ay qeyb ka noqdaan howlgalka ka socda gobolka Hiiraan, waxaana dad badan layaab ku noqday in ATMIS sheegatao guulaha dagaal aysan qeyb ka aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro katirsan xukuumada oo qorsheenaya in shaqada ka tagaan iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

Trump oo hanjabaad culus hawada u mariyay Midowga Yurub iyo Shiinaha

Cabdi Cade

Tirada ciidamada Ruushku u diyaariyey duulaanka Ukraine oo la ogaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---